Qeybta xukunada booliska ee maxkamada.Sawirle: Martina Svensson/Sveriges Radio

Nin sheegtay boolis been ah oo la xukumay.

Nin shan iyo labaatan jir ah oo sheegtay boolis been ah laguna eedeeyay in uu ku tacadiyay wiilal da’yar ayay waxay ku xukuntay maxkamad in isha lagu hayo oo ay xaaladiisa si gaar ah u la socdaan ciidamadda amniga iyo in uu qabto howl bulsho boqol iyo konton saacadood.

Ninkani ayay maxkamada ku heshay dambi ah si sharci daro ah uu dad u xiray, qasbid, dhibid uu dad dhibay iyo inuu ku xadgudbay muuqaalka guud ee bulshada.

Maxkamada ayaa xukunkeedan ku sheegtay in haddii xukunka uu noqon lahaa xabsi, in ninkani uu geli jeel muddo sanad ah.

Ninkani ayaa sidoo kale loo diray xarum caafimaad ee dadka dhimirka la’ ama waalan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".