Göran Hägglund hoggaamiyaha xisbiga Kristiyan Dimoraadiga. Sawirle: Björn Wanhatalo/Scanpix

Xisbiga Kiristiyan Dimoqraadiga oo doonaya in la hagaajiyo anshaxa aradada

Xisbiga Kiristiyan Dimoqraadiga ayaa doonaya in la hagaajiyo dabeecada ardada dhigata iskuulada dalka iyada oo hoggaamiyaha xisbigaasi Göran Hägglund uu ku baaqayo sharciyo xagga anshaxa oo adag iyo sharuuc dhaqan wanaag ah.

Hoggaamiyaha xisbigaasi ayaa sidoo kale doonaya in macalimiinta iskuulada la siiyo jihooyin cad oo ku aadan marka ardayga marka laga joojinayo iskuulada iyo qoraalada digniinta ee ardada la siiyo.

Göran Hägglund ayaa sheegay in dadka aysan la dhalan karin dabeecad wanaagsan iyo in ay jeclaadaan runta isaga oo maanta sidaasi ku soo qoray wargeyska Dagens Nyheter.

Xisbigan ayaa sidoo kale doonaya in macalimiinta la siiyo xaquuq dheeri ah oo ay ku saxaan dabeecada ardada tusaale ahaan in macallinka ka qaadi karo ardayga tilifoonka gacanta.

Göran Hägglund ayaa sidoo kale tusaale ku bixiyay in ardaygii la qabto isaga oo qarbudaya hantida iskuulka in la baro in dayactiro wax uu ku ciyaaray uuna nadiifiyo meesha uu haleeyay.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".