Mattis Gärtner Nilsson iyo Elina Eriksson-Wikberg, oo ah arday dhaqtarnimo ku barata Norrbotten. Sawirle: Nils Eklund/Sveriges Radio
caafimaadka

Xaaladda Dhaqtar ee gobolka Norrbotten.

Waxaa la sheegayaa inkastoo waxbarashada maadada caafimaadka ee dalka ay korortay tira ahaan haddana weli waxaa adag sidii dhaqaatiirta loogu soo jiidan lahaa gobolada sida kuwa ku yaalla waqooyiga.

Waxaa hadda socdo isku day la doonayo in dhaqaatiir fara badan uu helo gobolka Norrbotten qeybihiisa sida  Västernorrland iyo Jämtland – iyada oo ardada waxbarashada caafimaadka ee jaamacadda  Umeå ay ku dhammeysan doonaan qeybaha ugu dambeeya ee waxbarashadooda magaalooyinka kale ee isla gobolkaasi sida Magaalooyinka Sundsvall iyo Östersund.

Qeybaha caafimaadka ee Norrbotten ayaa maanta waxaa ka banaan 15 boqolkiiba shaqooyin dhaqtar iyada oo sidoo kala ay goor dhow howl gab geli doonaan tiro dhaqaatiir ah.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".