Qof wadnaha laga qabtay. Sawirle: Johanna Lindbladh-Ahl
caafimaadka

Dadka u dhinta wadno istaaga oo yaraanaya.

Waxaa sii yaraanaya dadka u geeriyooda wadna istaaga ama wadnahooda oo joojiya shaqada ee xilligan marka lala barbar dhigo sideetameeyadii sida ay muujineyso daraasaad uu sammeeyay machad la yiraahdo Sahlgrenska Akademin oo ku yaala magaalada i Göteborg.

Daraasadan ayaa lagu sammeeyay bukaano isugu jira kuwa uu wadnaha ka istaagay iyaga oo cisbitaal ku jira iyo kuwa aan cisbitaal ku jirin.

Rajada wanaagsan ayaa waxaa la sheegayaa in ay sabab u tahay gargaarka ay helayaan dadka wadnaha uu xanuuno ama istaago marka ay kugeynayaan waddooyinka iyada oo durdabadiiba ay caawiyeen dadka kale ee waddooyinka maraya iyo sidoo kale daryeelka caafimaadka ee dadka wadnaha istaago oo aad u wanaagsan.

Dadka laga qabto wadnaha ayaa si fiican loo daweeyaa iyada oo wadnahooda la xoojiyo, sida lagu sheegay daraasadan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".