Astaanta Kronofogden. Sawirle: Fredrik Sandberg / Scanpix

Kronofogden oo xaraasheysa sawiro uu sammeeyay Hitler.

Hayada ku soo celisa deymaha sida qasabka ee (Kronofogden) ayaa xaraasheysa sawiro gacanta uu ku sammeeyay madaxii Nazi-ga Adolf Hitler marka uu yaraa iyada oo arrintan xaraashka ay noqotay mid si weyn loogu soo qoro boga hore ee warbaahinta.

Xubno ka tirsan mujtamaca Yahuuda ee ku nool Iswiidhan ayaa sheegay in aysan habooneyn in dowlada ay ku lug yeelato faa’ido laga sammeeyay howlo uu qabtay nin mas’uul ka ahaa xasuuqii Yahuud Yurub ee Holocaust oo ay ula jeedaan.

Laakiin hayada ku soo celisa deymaha sida qasabka ayaa sheegtay in ay raaceyso sharciyadeedii caadiga ahaa ee xaraashida alaabaha laga soo qaado dadka bixin waayay deymaha lagu yeesho.

Sawiradan gacanta ayaa waxaa iska lahaa mid ka mid ah hoggaamiyayaasha kooxaha gaangistarada ee kaxeeysta mootooyinka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".