Cuntada caruurta ee ay sammeyso shirkada Semper oo laga helay sun dhalisa cudurka Kansarka. Sawirle: Sara Holmberg/P4 Sjuhärad.

Sun laga helay qaar ka mid cunada la siiyo dhallaanka da’da yar.

Mid ka mid waxaabaha ugu xun ee sababa cudurka Kansarka ayaa laga helay cunada la siiyo caruurta ee ay sammeyso shirkada soo saarta cuntada dhallaanka yar yar ee Semper.

Shirkada Semper ayaa soo saartay war saxaafadeed in ka badan toddobaad ka hor iyadoona dib kaga soo celisay suuqa qaar ka mid ah cuntada ay sammeyso balse ma aysan ka hadlin sababta ay cunada qaar ay dib u celsiay.

Cunooyinka ay shirkada Semper  dib u celisay oo ay ka saartay suuqa  ayaa kala ahaa boorsihka la siiyo ilmaha iyo qaar ka mid cunooyinka ka sammeysa qudaarta sida sida tufaaxa iyo miraha la yiraahdo Hallon-ka.

Walxaha la yiraahdo Aflatoxin oo heerkeedu sarreeyo ayaa laga helay cuntada ay soo saarto shirkadaasi iyda oo heerka badan Aflatoxin-ka aysan u wanaagsaneen caruurta uuna dhalin karo cudurka Kaankarada ama Kansarka.

Wakaaladda wararka ee Ekot ayaa mar ay la xiriirtay madaxa tayada ee shirkadda Semper Stina Björneholm ayaa waxay sheegtay in heerka Aflatoxin ee laga helay cunada caruurta ee ay sammeyso shirkada uu ka badan yahay inta loogu tala galay caruurta sidaasi daraadeedana ay iyagu ka saarayaan suuqa cuntada laga helay Aflatoxin.

Dhinaca kale Abrahamsson-Zetterberg oo ah qabiir ayaa waxuu sheegay marka laga hadlayo Aflatoxin inaysan jirin heer lagu tilmaami karo in aysan qatar u aheyn cauurta oo mar walba Aflatoxin ay tahay qatar weyn haddii ay cunaan caruurta.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".