Dan Eliasson, agaasimaha guud ee hayadda Ceeymiska Qaranka. Sawirle: Jessica Gow/Scanpix

Is Bedel lagu Sameeyo warqadda Caddeeynta Xannaanooyinka

Agaasimaha cusub ee heyadda Ceeymiska Qaranka Dan Eliasson ayaa ku tala-jira inuu baabi'iyo xeerka waalidiinta ku qasbaya iney waraaq caddeeyn ah kala yimaadaan dugsiyada xannaanooyinka ee dhallaankoodu dhigtaan mar haddii ey dhallaanku xannuunsadaan oo waalidkuna guriga kula sugnaadaan. Haddii aaney keenina aaney xaq u laheeyn mushaarka maalmaha ey guryaha ku xannaaneeynayeen dhallaanka.

- Caddeeymahaa ayaan wax macne ah u yeelan marka laga hadlayo khiyaamada. Waa nidaam biirookaraasiyad ah ee aan waxba dawladda ku soo kordhiyeyn, sida uu sheegay Dan Eliasson agaasimaha guud ee hayadda Ceeymiska Qaranku mar uu la hadlayay war-geeyska DN.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".