Ulrika Björnsdotter Larsson waxay siisay ilmaheeda cuntada Semper oo ay ku jirtay maadada sababta kansarka. Sawirka: Privat.
Cuntada caruurta

Waalidiin u carooday shirkada sammeysa cuntada caruurta ee Semper.

Waalidiin fara badan oo leh caruur da’yar ayaa hadda jawaab ka bixinaya hadalka ay saakay sii deysay wakaaladda wararka Ekot kaasi oo ahaa in shirkada sammeysa cuntada caruurta da’da yar ee Semper in ay kala noqtay suuqa qar ka mid ah cunooyinka ay sammeyso ka dib markii la ogaaday in cuntadaasi ay ku jirto maado aad u halis badan oo sababta cudurka Kansarka.

Waxaan dareemayaa caro iyo naxdin maadaama aan wiilkeyga siiyay cuntadaasi ayay tiri hooyo la yiraahdo Ulrika Björnsdotter Larson oo heysata hal cunug kaasi oo ay quudeysay cunada laga helay wax dhaliya kaankarada.

Shirkada Semper ayaa sheegtay in maadada Aflatoxin iyo mida Ochratoxin ee laga helay cuntada  Småfolk Fruity Stix boorishaka Oat Stix in ay aad u yaryihiin aysana halisk u aheyn caruurta.

Hase yeeshee hayada qaabilsan cuntooyinka ayaa sheegtay in maadada Aflatoxin ay tahay mid halis ah mar walba.

Hooyada caruurta yar heysata  Ulrica Björnsdotter Larson ayaa aminsan in shirkada Semper ay habooneed in xilli hore ay ka hadasho dhibaatadan.

’’Waan la yaabanahay in shirkada Semper ay muhiim la noqtay danaheeda halka laga rabay in ay fariin dhab ka hadal ah soo saarto,, ayay tiri Ulrika.

Waalidiin badan oo heysta caruur da’ yar ayaa maanta maqlay hadalkan qaar ka mid cunada ay sammeyso shirkada Semper in laga qaadi karo kansar.

Shirkada Semper ayaa sidoo kale waxay dib ugu soo celisay bakhaaradeeda qaar cunooyinka laga deyrinayo dalalka Farnsiiska iyo Ingiriiska.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".