Wasiirada shaqada Hillevi Engström oo dad la hadleysa. Sawirle: Johan Pettersson/Sveriges Radio
Suuqa shaqada

Dowlada oo ku baaqday wadahadal xagga shaqooyinka.

Dowlada ayaa ku casuuntay ururada shaqaalaha iyo shirkadaha shaqooyinka bixiya in ay isugu yimaadaan wada hadal si xal loogu helo in si fudud shaqooyin ay u helaan dhallinyarada iyo dadka aan muudo badan shaqeynin.

"Dowlada waxay dooneysaa suuq shaqo oo loo wada dhanyahay ahna mid xasilan oo fudud. Heshiisyo baaxad leh oo laga gaaro sharuudaha suuqa shaqada ayaana fure u ah arrintaasi" ayuu ku yiri wasiirka maalinyada Anders Borg waraaq casuumaad ah oo uu u diray dhowr urur shaqaale iyo rugta shirkadaha Iswiidhan.

Fekerka jira ayaa ah in wada hadalkan uu ku baaqay wasiirka maaliyada oo ay sidoo kalana ka soo qeyb qadan doonto wasiirka shaqada Hillevi Engström ayaa waxuu furmi doonaa toddobaadka soo socda.

Wasiirka maaliyada Anders Borg ayaa farta ku fiiqay in hanaanka shaqaaleysiinta waqtiga gaaban iyo midka shaqo barashada in ay si wanaagsan ugu hirgaleyn dalalka Holland iyo Jarmalka.

Borg ayaa ka sheegay shirweynihii xisbiga Moderat-ka e eka dhacay bishii Oktoobar in dowladda ay diyaar u tahay in ay canshuurta ka dhinto shirkadaha ama dadka shaqooyinka bixiya ee qaata hanaanka kor ku xusan e eka dhaqn galay Holland iyo Jarmalka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".