Sawirkani ma ahan qofka lagu dhibaateeyay Göteborg. Sawirle: Janerik Henriksson/Scanpix.

Gabar 14 jir oo muddo lagu heystay guri ku yaalla Göteborg.

Booliska magaaladda Göteborg ayaa xorriyadeeda u sahlay gabar 14 jir ah oo loogu shakisanyahay in ay maxbuus ku aheyd guri ku yaalla waqooyi bari ee magaaladaasi.

Gabadhan oo xoriyadeeda heshay muddo toodobaad ka hor ayaa waxay sheegtay inta ay ku xirneed gurigaasi in loo geystay dhibaatooyin isugu jira hanjabaad, jir dil iyo kufsi sida ay soo qortay jariirada  Göteborgs Posten e eka soo baxda magaalada Göteborg.

Nin 25 jir ah ayaa loo soo xiray arrinkan gabadhan iyada oo loogu shakisanyahay ninkan in uu kufsaday uuna ji dilay gabadha halka aabihiisana loo soo xiray ka ganacsi bina aadam.

Waxaa sidoo kale jira qof saddexaad oo isna loo soo xiray isla arrinka gabadha lagu heystay guriga ee magaaladda Göteborg.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".