Arkivbild: Fredrik Sandberg/Scanpix.
Siyaasada

Xisbiga Sverige Dimoqraadiga-ka oo ay dhibaato ka heysato degmooyinka dalka.

Xisbiga Sverige Dimoqraadiga ayaa dhibaato weyn waxay ka heysataa sidii uu u buuxin lahaa kuraasta xisbiga uu ka helay doorashadii degmooyinka dalka.

Ku dhowaad boqolkiiba sodon dadkii xisbiga ee loo doortay kuraasta maamulada degmooyinka ayaa isaga tegay ama ka baxay xisbiga iyada oo marka loo firriyo xisbiyada ay u dhaxeeyaan shan ilaa iyo sideed boqolkiiba.

Xogayaha xisbiga Sverige Dimoqraadiga Björn Söder ayaa waxuu cadeeyay in dhibaatooyin fara badan ay cabsi gelisay xubnaha xisbiga ee soo galay maamulada degmooyinka.

Waxaa jira culeys badan oo xagga bulshada oo ku imaanaya wakiiladeena la soo doortay ee degmooyinka in badana uma arkaan in ay wax qiimo ah leedahay in nala matalo, ayuu yiri xogayaha xisbiga Sverige Dimoqraadiga.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".