Astaanta xafiiska shaqada ee Arbetsförmedlingen. Sawirka: Scanpix.
Heerka shaqada

Suuqa Shaqada ee Iswiidhan.

Suuqa shaqada ee Iswiidhan ayaa waxaa ka soo muuqanaya warbixino is diidan ama is qilaafsan marka laga hadlayo heerka shaqo la’aanta ee dalka.

Ku dhowaad 5 700 ruux ayaa bishii Oktoobar la siiyay wargelin ah in ay dhammaatay shaqooyinkii ay hayeen ama ay ka shaqeynayeen sida uu sheegay xafiiska shaqada ee  Arbetsförmedlingen (AF) iyada oo isla bishii Oktoobar ee sanadkii hore tirada dadka lagu wargeliyay in shaqooyinka ay hayeen laga joojiyay ama ay dhammaatay ay ahaayeen 4 800.

Isla dhinaca kale dad gaaraya 372 000 oo ruux oo u dhiganta 8,2 boqolkii xooga shaqada ayaa ah kuwa shaqo la’aan furan ay heysato ama si uun ugu jira suuqa shaqada waxyan tani ka dhigeysaa hoos u dhac 8,8 boqolkiiba marka loo fiiriyo sanadkii hore.

Laakiin sida uu sheegay xafiiska shaqada suuqa shaqada ayaa gaabis ah iyada oo sidoo kale dadka cusub ee shaqooyinka waayaya ay kordhaayaan.

"Waxaa inoo muuqata astaan sii xoogeysaneysa oo ah in suuqa shaqada uu gaabis noqonaayo,, waxaa sidaasi yir Clas Olsson oo ah madaxa cilmi baarista ee xafiiska shaqada waxuuna intaasi uu ku sii daray in tirikoobkii u dambeeyay uu muujinaayo in dadka lagu wargeliyo in shaqooyinkooda ay weynayaan ay sii kordhayaan iyada oo sidoo kalana ay sii yaraaneyso dadka helay shaqooyin bishii aynu soo dhaafnay.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".