Baalo koronto. Sawirle: Nick Näslund/Sveriges Radio

Heshiiyada isticmaalka korontada oo kordhay.

Waxaa sii kordhaya dadka gelaya heshiiska xagga isticmaalka korontada guryaha ka dib markii labadii xilli qabow ee ugu dambeeyay uu sare u kacay sicirka korontada.

Sababta ay u korortay dadka gelaya heshiiska isticmaalka korontada ee shirkadaha bixiya adeega korontada ayaa la sheegayaa in ay tahay iyada oo dadkii galay heshiiskaasi labadii xilli qabow ee ugu dambeeyay ay u soo dhacday waraaqaha qaansheegadka oo lacago yar ah.

Saddexdii bilood ee ugu horreeyay sanadkan dad ku nool guryo gaaraya 314 732 ayaa iska bedelay shirkadaha korontada iyada oo markii loo fiiriyo sanadkii hore tirada dadka iska bedela korontada ay ahaayeen 7 boqolkiiba sida lagu sheegay tirakoob uu soo saaray xafiiska tirikoobyada (SCB).

Rajada jirta imminka e eka hor inta uusan bilaaban jiilaalka ama qaboobaha ayaa ah mid wanaagsan iyada oo keydka korontada ee dalka  uu yahay mid buuxa.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".