Astaanta hayada socdaalka. Sawirle: Claudio Bresciani/Scanpix.
Soo galootiga

Soomaalida oo laga riixday kaalinta kowaad ee dadka magan gelyada Iswiidhan.

Dadka u dhashay Afghanistan ayaa kaalinta kowaad ka noqday dadka magan gelyo doonka ah ee soo gaara Iswiidhan iyaga oo ka sare maray Soomaalida.

In ka badan 3.300 oo Afghanistani ah ayaa magan gelyo weydiistay Iswiidhan inta u dhaxeysa bishii Janaayo ilaa iyo Oktoobar ee sanadkan iyada oo tani ay noqoneyso 74 boqolkiiba ina ka badan sanadkii hore.

Afar ka mid ah tobankii Afghanistanee magan gelyada u yimid Iswiidhan ayaa ah caruurta aan la wehlin iyada oo 96 boqolkiibana ay ka heleen sharciga deganaanshaha Iswiidhan sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee TT.

Sababta ugu weyn ee ay u soo bateen dadkani u dhashay Afghanistan ee magan gelyada ka soo doonto Iswiidhan ayaa la sheegayaa in ay tahay ammaanka sii xumaanaya ee dalkooda Afghanistan sida uu sheegay Anders Rydén oo ah qabiir qaadaa dhiga arrimaha Afghanistaan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".