Macallimiin Faraha looga Gubtey Xirfaddooda

Dawladda ayaa go'aansatay una xil-saartay hayadda maamulka iskuulladu inay soo xusho macallimiin dhowr ah ee xirfad sarreeysa u leh howshooda, kuwaasina oo laga howl-gelin doono toban iskuul ee natiijadoodu liidato, sidii kor loogu soo qaadi lahaa tayada wax-barasho ee iskuullada. Haydda ayaa marka hore soo xuli-doonta tobanka iskuul, iyadoona dabadeed kala gaashan doonto macallimiintaa sidii ay u bilaabi lahaayeen qorshan ay dawladdu go’aansatey.

- Kolka xaaladdu u liidato sida ay iminka tahay, waa in masuuliyad guud ee qaran laga qaado, sida ay sheegtay Nyamko Sabuni, ahna ku simaha wasiirka wax-barashada, sida ku cad maqaal lagu daabacay war-geeyska DN.

Qorshan ay dawladdu go’aansatay, soconna doona muddo saddex sannadood ah ayaa ku kici doona 60 malyuun oo koronka iswiidhishka ah.

Isha: DN.

                                                      Kenadid.Mohamed@sr.se