Xagguu ku Dambeeyn Mustaqbalka Shirkadda Saab

Agaasimaha shirkadda gawaarida ee Saab Victor Muller ayaa rajeeynaya in shirkaddu howlaheeda degmada Trollhättan dib u bilowdo, iyadoona dhaqaalaha malyuumaadka ee shirkadaha shiineesku bixiyeen middaa ey u suurtagelin doonto. Shirkadda gawaarida ee Saab ayaa marar badan ku dhowaatay iney xabaal-gasho iyadoona shalaydii ugu dambeeysay la hadal hayey in codsi busaarad-gelin loo gudbiyo maxkamadda degmada. Waxaa sidoo kale jirta iney qaar ka mid ah hoggaanka shirkaddu howlahooda iska casileen ugana dhaqaaqeen agiisimaha shirkadda Victor Muller kelinimo.

Wararkii sheegayey in shirkadda busaarad loo dalbo ee shalay oo isniin ahayd ayaa beenoobey, halka maantana la soo saaray akhbaarta la xiriirta in shirkaddu miisaaniyadda heli doonto. Musalsalkii shirkadda gawaarida ee Saab ayaa weli halkiisii ka sii socda.