Saab oo Dhaqaale Hor Lihi soo Gaaray

Shirkadda gawaarida ee Saab ayaa muddo gaaban ka hor xaqiijisay inay qasnadda shirkadda ku soo dhacday miisaaniyaddii ugu horreeysay ee uga timaadda shirkadda shiineeska ee Youngman, sida uu agaasimaha shirkaddu Victor Muller u xaqiijiyay idaacadda P4 Väst. Waa dhaqaale gaarsiisan 3,4 malyuun ee lacagta Euro-ga:

Middaasi macnaheedu maaha in lagu miisaaniyad-gelin doono mushaarrada shaqaalaha, sida uu isla idaacadda u sheegey madaxa laanta wararka ee shirkadda Erik Geers.

Dhaqaalaha 30 malyuun ee koron ee shirkaddu ka heshay Youngman ayaan kaafineeyn mushaarradda shaqaalaha ee gaarsiisan 85-ka malyuun bishii, sida ay qortay hayadda wararka ee TT.

Halka uu agaasimaha guud ee shirkadduna filayo dhaqaale dheeriya ee shirkadda uga yimaada dalka Shiinaha iyo sidoo kale in shirkaddu dib howlaheeda u bilowda, kuwaasina oo xayirnaa wixii laga soo bilaabo bishii apriil ee sannadka.

                                                    Kenadid.Mohamed@sr.se