Fartiinta Ethiopia ee la Xiriirta Suxufiyiinta reer Isweedhen

Ra'iisalwasaaraha dalka Ethiopia Melez Zenawi ayaa furay rajo la xiriirta in la cafiyo siyaasiinta iyo suxufiyiinta u xukuman falalka argagaxsinimo dalkas.

Haldalkaan oo uu ka sheegay barlamaanka dalkaas ayaa qiimo ugu fadhinkarta labada suxufi ee reer Sweden, Johan person iyo MARTIN Schibbye oo dalkaas ku xiran.

Ra'iisalwasaaraha ayaa si gooni ah carabka ugu dhuftay suxufiyiintaan Isweedhishkaa mar uu ka jawaabayey su'aalo ay waydiiyeen xildhimaanada barlamaanka.

Kjetil Tronvoll oo ah norwaydiiyaanka ku xeeldheer arimaha dalka Ethiopia ayaa arintaan u arka in ay tahay fartiin ku socota labadaan suxufi si ay u codsadaan cafis. - Ma u malaynayo in ay i maankarto fartiin ka cad fartiino tan uu ra'iisalwasaaraha ka sheegay barlamaanka taas ah in uu codsiyado furanyahiin, waana fartiin cad.