Shaqooyinka Maqaaxiyaha ka Banaan oo Kordhay

Tan iyo intii laga dhimay maqaaxiyadaha canshuurta la yirahdo momska bilowgiii sanadkaan waxaa kordhay shaqooyinka ka banaan maqaaxiyooyinka iyo meelaha lagu caweeyo.

Bishii januari xafiiska shaqada, arbetsförmedlingen, waxaa yaalay sadex kun iyo sagaal boqol oo shaqo maqaaxiyeed, taas oo ka badan 36 procenti shaqooyinka maqaaxiyeed ee banaanaa januari sannadkii hore. Waxayna sidoo kale ka badantahay 40 procenti bishii december.