Löfven är beredd att diskutera kärnkraft med regeringen

Stefan Löfven hogaamiyaha xisbiga (S) oo dhinacyo badan ka hadlay

Labo todobaad ayaa ka soo wareegtay kadib markii loo magacaabay xilka hogaamiye nimada xisbiga Sooshiyaaldimoqoraadiga Stefan Löfven, oo markii ugu horeeysay siiyey wareeysiyo xiise leh Tiifiiga qaranka ee Iswiidhan barnaamijka Agenda iyo laanta wararka ee P1, wareeysiyadaas oo dhinacayo badan taabana hayey, ayaa sheegay in uu diyaar u yahay wadahadal sharuud laana inuu la galo ra'iisal wasaaraha dalkan Iswiidhan Fredrik Reinfeldt (M) dhanka sidii waxa looga qaban lahaa tamarta laga dhaliyo atamka "kärnkraften". Stef Löfven ayaa dhanka kalana raaciyey ineey waxa walbaa ku xiran yahiin go'aanka shir weyne xisbiga, balse uu asagu diyaar u yahay wada hadal arinkaas.

Wada hadalkan oo uu horey ra'iisul wasaare Fredrik Reinfeldt uu sharuudo ku xiray xisbiga Soshiyaaldemokratiga, sheegayna in wada xaajood uu lagagalo ay ka horeeyso Xisbiga oo cadeeya siyasadiisa ku wajahan dhankan atamkada

dhisideeda iyo waliba hirgalinta xaruumo cusob oo lagu badalo kuwa gaboobey ee maantay jira. Arinnkan oo ay horay iskula meel dhigeen xisbiyada talada dalka haya sanadkii 2009-kii.