SSU:s ordförande Gabriel Wikström vill ha klara besked från Urban Ahlin, partiets utrikespolitiske talesman. Fotomontage: SR Bilder: Scanpix.

Heshiis hubka Saudiarabiya ha laga baxo

Laamo badan oo ka tirsan xisbiga Soshiyaaldemokrati ayaa raba in Sweden Soo gaba gabayso heshiisa militari ay la leedahay Saudiarabiya marka heshiiskaas dib u fiirin lagu samayn doono sannadka 2015.

Afhayeenka arimaha dibada ee xisbigas Urban Ahlin ayaa u sheegay idaacada Ekott in uusan balanqaadi karin in lajabiyo heshiiskaas hadii Soshiyaaldemokratigu doorashada ku guulaysto.

Lakiin gudoomiyaha SSU oo ah ururka dhalinyarta xisbigaas Gabriel Wikström ayaa raba in meel cad laga istaago heshiiskaas.

- Waxaa aaminsanahay in aysan wax cadeeyn, waxaan qabaa in Soshiyaaldemokratigu meelcad ka istaago arintaan uuna sheego in aan wada hadal danbe la galaynaynin markuu dhamaado heshiiskaan 2015. Waa laga doodi karaa maxaa demokratiyo ah iyo maxaan ahayn lakiin dadka oo dhan way u cadahay in Saudiarabiya aysan u dhawayn wax demokratiyo lagu tilmaami karo, ayuu yeri.

Sidoo kale isktaga waheenka Soshiyaaldemokratiga, iskutaga ardeyda Soshiyaaldemokratiga iyo laamo badan oo katirsan xisbigaas ayaa ayaguna dhabarka ka taagan dalabka ah in heshiiskan dowladda diktatooriyadaa ee Saudiarabia la soo gabagabeeyo 2014

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista