Xatooyada Koobarka oo Istaagisay Shalay Tareemo

Markii labaad waqti gaaban xatooyada loo geysto fiiloyinka koobarka ah ayaa joojisay isku socodka tareenka dhanka koonfurta Stambanan.

Xatooyada ayaa shalay gebi ahaan istaajisay tareeno inta u dhaxaysa Nässjö iyo Tranås, taas oo keenatay rakaab la socday dhor tareen una kala socday Malmö, Stockholm iyo Kopahagen in ay raacaan basas

waxaana arintaas welwel ka muujiyey Laanta gaadidka "trafikverket"

- qalabka la xaday qaymahooda guud ahaan maraka lafiiri waa mid aad u yar lakiin waxaa aad u badan qaymaha ugo kacayso bulshada, ayuu yeri Sten Wikberg oo ka tirsan Trafikverket mar uu waraysi siinayey idaacada Ekot.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".