Saab 9-5.

Dalabkii Gadashada Shirkadda Saab oo Maanta ku Eg

Maanta ayaa ugu dambeeysa xilligii dalabka ee lagu iibsan lahaa shirkadda Saab, ey ku soo gudbin lahaayeen shirkadaha daneeya. Iyadoon illaa iyo hadda shirkadaha dalabka ka soo gudbiyey ey ka muuqdaan shirkadda Youngman ee shiinaha iyo shirkad laga leeyahay dalka Hindiya ee lagu magacaabo Mahindra.

Sidoo kale waxaa la soo ban-dhigi doonaa dhammaan dhaqaalaha deeymaha ee shirkadda lagu leeyahay, iyadoona la shaaciyay in shirkadda lagu lagu leeyahay qaan gaarsiisan 12 – 13 milyaard ee koronka iswiidhishka in shirkadda lagu leeyahay. Shirkadaha qaamaha ku leh shirkadda Saab ayaa la filayaa in aaney wax dhaqaale mag-dhow ah ka helin shirkadda Saab maadaama aan ra’sumaalka shirkadda laga fileeyn in laga helo dhaqaale kaafiya deeymaha lagu leeyahay.

                                                               kenadid.mohamed@sr.sr

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista