Aqlkii dabku ka kacay oo ey lixda ruux ku geeriyoodeen ee magaalada Tidaholm. Sawirle: Håkan Montelius/Sveriges Radio.

Lix Ruux oo Dab ku Geeriyoodey

Lix ruux ayaa geeriyootey kadib iyada oo uu gubtay guri ka mid ah guryaha nasiinnada oo ey ku sugnaayeen ee ku yiilay agagaarka degmada Tidaholm. Waxaan iyaduna aan caadiyan dhicin in tiro sidaa u fara badan ey ku geeriyoodaan dab mar un dhacay.

Lixda ruux ee dabkaa ku geeriyootey ayaa kala ahaa laba dhallaan, waalidkii dhalay iyo laba ruux kale ee halkaa ku sugnaa. Iyadoona aaney illaa hadda caddeeyn sababta dabkaasi ka dambeeyay.

Dabka gurigaasi ka kacay oo ey lixda ruux ku geeriyoodeen ayey markii ugu horeeysey arkeen derisku, iyadoona kolkii ey goobta tageen ku arkeen oo keliya dambaskii iyo laba tiir oo halkaasi ka taagan. Guriga ey ku geeriyoodeen lixda ruux ee asal ahaan ka soo jeeda dalka Denmark ayaan lahayn koranto, sida ku cad war laga soo xigtay idaacadda Iswiidhen laanteeda Skaraborg, halka guriga lahaa goobta xaabada guriga lagu kululeeyo lagu shito iyo burjiko furan e eraashinka lagu kariyo.

Ciidanka ammaanka ayaa dacwad dabkaasi ka furay inkastoo aan illaa hadda la ogsooneeyn sababta dabkaasi ka dambeeysay.

                                                       kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista