Sawirle: Klara Klintbo Skilje/SR.

Tirada Ku Shaqaaleeynta Xeerka Joogitaanka Shaqada oo Kor u Kacday

Tirada dadyowga deggenaansho ku helay xeerka shaqada ayaa kor u kacday 20% saddexdii bilood ee sannadka ugu horeeyey.  Iyadoona ey kor ugu kacday tirada dadyowga sharciga ku helay shaqaaleeynta ee haysta wax-barashada sare, halka ay hoos u dhaceen kuwa laamaha shaqooyinka la adkeeyey xeerarkooda.

Tiro gaarsiisan 3 833 ee ka soo jeeda waddammada ka baxsan kuwa ku midoobey ururka midowga Yurub ayaa la siiyay xeerka deggenaansho-shaqo ee dalka saddexdii bilood ee sannadka ugu horeeyey. Tiradaasina oo kor u kacday 20%, halka saddexdii bilood ee sannadkii midkan ka horeeyay ey tiradaasi gaarsiisnayd 3 205.

Culimada xirfadda u leh aaladda internet-ka, tekniishannada, injineerada iyo muhandasyada ee ka soo kala jeeda waddammada Hindiya, Shiina iyo Ukraa’iina ayaa ugu badan dadyowga xeerka deggenaansho lagu shaqaaleeyey.

                                                       kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".