Shir-jaraa'id oo uu qabtay ururka LO. Sawirle: Jessica Gow / SCANPIX /

LO oo Shaqa ka Fariisi uu ku Dhawaaqay

Ururka daladda shaqaalaha degmooyinka ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaanno LO ayaa ku dhawaaqay shaqa ka fariisi lagu tallaabsan doono ee ku wajahan shirkadaha daryeelka mulkida loo leeyahay ee Frösunda, Humana Assistans iyo Olivia. Shaqa ka fariisigan ayaa ku wajahan shaqaalaha gacan-yareyaasha iyo sidii kor loogu qaadi lahaa mushaarooyinkooda.

Laga bilaabo 20-ka bisha abriil waxaa ka istaagi doona dhammaan shirkadahaa kor ku xusan shaqaaleeynta dadyow hor leh ee shaqaalaha gacan-yareyaasha oo ey iminka ka howl-galaan dadyow gaarsiisan 15 300 oo ruux. Amuurtaa ayaa sidoo kale saameeyn doonta shaqaalaha ku meel-gaarka ah.

Ururka shaqaalaha ayaa codsanaya in mushaarooyinka shaqaalaha goobahaa la kor-dhiyo 960 koron bishii.

                                                     kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".