Urban Bäckström, Gudoomiyaha ururka shirkadleeyda. Sawirle: Jonas Ekströmer/Scanpix

Urur Gacan u Fidiyay Dhiggisa ee Shaqo ka Fariisi

Ururka shaqaalaha ee dhismaha ayaa ku dhawaaqay inuu gacan taageero ah u fidin doono ururka dhiggiisa gadisleeyda ee gedisleeyda ee haddii aan wax heshiis ah lagu gaarin inta jimcaha foodda innagu soo haysa ka horeeysa 13-ka bishan abriil ku tallaabsan doona tallaabo shaqa ka fariisi.

Ururka shaqaalaha ee dhismaha ayaa isaguna falkaa mid la mid ah oo uu ku taageerayo ururka shaqaalaha gadisleeyda laga bilaabo 20-ka isla bisha abriil. Toddobaad dabadiis.

Waxay middaasi khalkhal gelineeysaa dhammaan habka heerka mushaarooyinka, sida uu sheegay gudoomiyaha ururka daladda ey ku midoobeen shurkadaha gaarka loo leeyahay Urban Bäckström, kadib ku dhawaaqiddii ururka shaqaalaha dhismuhu ku dhawaaqay inuu ku dhaqaaqi doono shaqa ka fariisi uu ku taageerayo ururka dhiggiisa ee gadisleeyda.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista