Baaritaan la Xiriira Dadyowga Carqaladaha ka Geeysta Goobaha Cayaaraha

Diiwaan qaran ee lagu diiwaan-geliyo shakhsiyaadka lagu xukumo in laga mamnuuco daawashada cayaaraha iyo in loo dhigo xad oo dhowr-boqol oo mitir ah in aaney u soo jirsan karin goobaha cayaaraha.

Sidaa waxaa soo jeediyay baaraha gaarka ah ee dawladda Björn Eriksson ee loo xil-saaray howshaa sidii uu uga soo baaraan-degi lahaa iyadoona la filayo in la soo ban-dhigo bisha maarso ee sannadka foodda innagu soo haya 2013. Diiwaan qaran ee la geliyo dadyowga carqaladaha ka dhiga kullammada cayaaraha waa mid wax ka taraya, sida uu sheegay Björn Eriksson:

- Hayadda kor-meerka qoraallada aaladda internetka iyo maamulka kooxda Djurgården ayaa go’aan ku gaaray in kooxdu diiwaan-geliso sidii ey wax uga qaban lahayd dadyowga carqaladaha garoommada ka dhiga kolka ey cayaar ku leeyihiin magaaladooda. Waxayna aniga iila muuqataa inay tahay mid loo baahan yahay in la qarameeyo talaabadaa, si aaney koox walba dhankeeda diiwaan u gaar ah u sameeyaan. Ma ahan wax lala yaabo maadaama dadka laga hadlayaa yihiin kuwo horey xukun ugu dhacay ee dembiyada lagu soo caddeeyey.

Go’aanka ka mamnuucidda ayaa iminka ku eg oo keliya in aaney shakhsiyaadkaasi garoommada aaney geli karin, hase yeeshee loo baahan yahay sida baaruhu sheegay in lagu kordhiyoxad loo dhigo in aaney garoonka u soo jirsan karin xad gaaraya 150 illaa iyo 300 oo mitir. Iyo sidoo kale in mudadda mamnuucidda kor loo qaado lana gaarsiiyo saddex sannadood.

Baare Eriksson wuxuu sidoo kale ka soo hor-jeestay go’aanka lagu soo rogay kooxaha leh shatiyada shirkadaha iney bixiyaan dhaqaalaha ciidanka ammaanka kolka ey garoommada ka howl-galaan.

Sida uu qabo Eriksson waa iney miisaaniyadda bulshadu bixisaa, mar haddii shirkadaha kooxuhu yihiin kuwo ku howl-gala mutadawac saamigooduna gaarsiisan yahay 51%.

                                                       Kenadid.Mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".