Sawirle: Jessica Gow/Scanpix.

Dawooyinka u dhigma muqaadaraadka

Waa in laga joojiyaa in dhakhaatiirtu sida ey iminka u qoraan dawooyinka muqaadaraadkaku ku jiraan ey ku sii socdaan. Waa fikir hayadda hoggaanka bulshadu u gudbin doonto dawladda sidii loo xaddidi lahaa.
Hayadda ayaa qabta in sida iminka xaaladdu tahay si xad dhaaf ay ey dhakhaatiirtu u qorto dawooyinka ey ku jiraan maan-dooriyeyaashu. Sidaa daraadeed ayey hayaddu u dooneeysaa in la adkeeyo xeerarka xadidaya howlahaa.

Per-Anders Sunesson, madaxa hayadda hoggaanka bulshada ee masuuliyaddu ka saaran tahay ka war-haynta iyo la socodka caafimaadka iyo daryeelka ayaa sheegay in la qaadan karin in dhakhtiirtu dawooyin ey ku jiraan maan-dooriyeyaal isu qoraan iyaga qudhooda ama u qoraan qaraabadood, islamarkaana halkaa sii wadi karaan dabadeed kolka ey howl-gab gaaraan, sida uu sheegay.

Isha: Ekot

                                                         kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".