Dad ka qaxaya hirarka. Sawirle: Heri Juanda/Scanpix.

Cabsidii Hirarka oo Sidii la Moodayay aan Noqon

Kumanaan muwaadin ee iswiidhish ah ayaa ka mid ahaa dadyowgii laga daad-gureeyey maanta iyada oo laga cabsi qabay hirarkii waaweynaa ee Tsunaamiga ee nawaaxiga goobo ka mid ah bad-weynta Hindiya. Goobahaasi oo uu ka mid ahayd goob lagu raaxeeysto ee ku taala koonfurta dalka Taayland si aad ahna ey ugu safraan iswiidhishku.

Hirkii quwadda lahaa ee gelinkii hore ee maanta laga shaaciyay inuu ku soo food leeyahay xeebaha Indooneesiya iyo dhammaan bad-weynta Hindiya ayaa la sheegaya in aanu wax-yeelooyin sidaa u ballaaran la iman.

Waayo-aragnimadii laga helay halista hirarka ee sannadkii 2004 ayaa sababtay in goor hore laga daad-gureeyo dadka goobaha laga cabsida qabay in hirarkaasi wax-yeeleeyaan.

Tilda Kinell iyo saaxiibkeed oo ku sugan Koh dhacdana xeebaha galbeed ee dalka Taaylaand ayaa dareenkooda sidan u tibaaxay:

- Isku dhex yaac. Waa la isku dhex yaacay, maadaama ey weli xusuustayada ku sii sugneeyd masiibadii hirarka ee hore u dhacay. Waxa keliya ee aan ku fekereeyneyna waxay ahayd oo keliya sidaan isu badbaadin lahayn. Dadka indhahoodana waxaa ka muuqdey welwel aad u ballaaran.

Shirkadaha safarrada ee dalkan ayaa iswiidhishka fasaxyada u jooga carrigaa kula taliyey iney banneeyaan xeebaha Phuket, Karabi iyo Ao Nang, tagaana goobo ammaan ah iyo taagyada buuraha.

Wasaaradda arrimmaha dibadda ee dalkan Iswiidhen ayaa diyaar-garow u gashay haddii xaaladdu sidaa ka sii darraato, halka golaha madaxtooyada qudheedu uu dhacdooyinkaa la socday, sida ay sheegtay Roberta Alenius, af-hayeenka madaxa dawladda Fredrik Reinfeldt.

Ilaha: Ekot, TT

                                                 kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".