svante borg, hayadda ceeymiska qaranka. Sawirle: Bertil Ericson & Hasse Holmberg/Scanpix.

Carqalladaha Xeerarka ee Hayadda Caymiska Qaranka

Hayadda ceeymiska qaranka ayaa soo jeedisay in la sahlo xeerar ey ka mid yihiin in laga joojiyo waajibkii saarnaa waalidiintu iney warqad caddeeyn ah kala yimaadaan iskuullada ama dugsiyada xannaanada kolka ey dhallaankooda xanuunsan guryaha ku dar-yeelaan.

Qorshahaa iyo soddomeeyo kale lana xiriira dhaqaalaha kaalmooyinka iyo dalabyadooda ayay hayaddu maanta shaacisay iney dawladda u gudbisay sidii wax looga bedeli lahaa ama loo sahli lahaa.

Qodobadda la dhimayo carqalladaha ey xeerarku ku hayaan bulshada ayuu ka mid yahay in la mamnuuco waajibka khasabka ah in ruuxu maalinta ugu horreeysa ku soo war-geliyo hayadda kolka uu dalbanayo maalmaha/bilaha fasaxa uu dhallaanka u qaato iyo sidoo kale fasaxa jirrada uu waalidku u galo dhallaanka dartiis.

Sidoo kale waalidka ayaan u baahnayn in caddeeyn kolka ey dhallaanka xanuunsan guryaha ku hayaan iyadoona middaa ey howsheeda hayadda ceeymiska qaranku tijaabooyin lama filaan ah sameeyn doonaan sidii ay ku ogaan lahayd in caruurtu xanuunsaneyd iyo in kale.

Isbedellada ay heeyadduu ban-dhigtay dawladda ayey sidoo kale ka mid yihiin sahlidda carqaladaha xeerarka la xiriira dalabka dhaqaalaha taageerada ee kirada guryaha iyo dhabbada loo maro nidaamka ceeymiska jirrada.

Howshan hayadda ceeymiska qaranku ku tallaabsatay ayaa ka dambeeysay go’aan dawladdu ku fartay iney wax ka soo qoraan sidii carqaladaha xeerarka loo sahli lahaa iyadoona ay hayaddu la kaashatay macaamiisha waxna ka waydiisay halka ey la tahay in wax laga badalo.

Waa go’aan iminka dawladda u yaala inay xeer-geliso farriimmaha hayadda ceeymiska qaranka iyo in kale.
Hayadda socdaalku waa hayad dawli ah howsheeduna tahay adeegga ceeymiska bulshada lana xiriira kontameeyo faa’iido dhaqaale ee bulshada lagu taageero.

Isha: DN Debatt

                                                     kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".