Dowladda oo mamnuucday maadada Bisfenol A

Maadada qalqalisa Harmoonka amaa dheecanada ayaa sameeyaan xubnaha taranka, Bisfenol A ayey maantay dowladda ka mamnuucday in fur looga dhigo koobooyinka ay kujirto cuntada caruurta.

Sidoo kale hay'ado badan oo katirsan dowladda ayaa lagu amray in ay dabagal ku sameeyaan badeecooyinka kale ee ay ku jirto bisfenol A.

Bisfenol A waa maado sun ah oo qatar ah , keentana cudurka Kansarka, waxay sidoo kalena wax u dhintaa dhecaanada xumnaha taranka, taas oo dhalin karta ilmo la'aan.

Wasiirka bay'adaha Lena Ek ayaa ku macnaysay mamnuucida dowladda ay mamnuucday adeegsiga Bisfenol A mid lagu difaacayo caruurto oo ayagu ah kuwo unugul maadadaan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".