Calanka dadyowga HBTSawir macmiil ah. Montage: P4 Sjuhärad.

Jir-dilka lagula Kaco Jinsiyada isu Dhigma ee isu Galmooda

Inkasta opo aaney falal dembiyeedyadu kala duwaneyn ayaa haddana aan isku mid ah loo wajihin jir-dillada ka dhaca reeraha ka kooban jinsiyo isku mid ah ee isku galmooda HBT marka loo barbar-dhigo qoysaska ka kooban jinsiyo kala duwan sida ay sheegtay Victoria Tauson, ahna hogaamiyaha qorshe middaa wax looga qabanayo ee magaalada Skaraborg. Intaana ku dartay in dembiyadu aaney kala duwaneyn ee hadba sida loo arko.

- Lagama war-hayo caqabadaha ka dhaca dhexdooda qooysaska isku jinsiga ah ee isu galmooda. Sidaadaraadeed ayey u adag tahay in la arko saansaamahooda ama si khaldan loo tarjunto. Middaasi ayaa dhalin karta in ruuxa jir-dilka loo geeystay qudhiisa/qudheedu ula muuqato in aannu falka lagula kacay ahayn fal-dembiyeed.

Waxay aqoon-darro ballaaran ka aloosan tahay jir-dilka loo geeysto qoysaska hbt-ga, middaasina hor-seeddo inay adkaato sidii lagu dareemi lahaa saansaamaha fal-dambiyeedyadaa. Victoria Tauson iyo mar kale:

- Inta aanu ruuxa jir-dilka loo geeysanayaa isagu garwaaqsan fal-dembiyeedka, ama aaney qaraabadii iyo saaxiibadii waa mid kordhineeysa in caqabaddaa uu ku sii jiro/jirto.

                                                   kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".