Shaqa ka Fariisad uu ku Dhawaaqay Ururka Shaqaalaha Gaadiidku

Iyada oo lagu guda jiray shalayto oo khamiis ahayd jah-wareerkii wadahadal iyo sidii loo baajin lahaa shaqa ka fariisi uu horay u shaaciyay ururka shaqaalaha ee gadisleeyda iyo baayac-mushtarka ayaa ku dhawaaqay ururka is-gaariinta gaadiidku inuu shaqa ka fariisi ku fari doono xubnihiisa ka howl-gala shirkadaha ilaalada.

Shaqa ka fariisigan ayaa marka hore ku wajahnaan doona in aan muddo dheeriya la shaqeeyn wixii loo gaaro 24-ka bishan abriil haddii aan wixii ka horeeysa heshiis lagu gaarin farqiyada lagu kala duwan yahay.

25-ka bisha ayey shaqaalaha ka howl-gala shirkadaha Loomis iyo Nokas ee laamaha xafidka iyo tirada lacagaha ee Istockholm, Malmö iyo Göteborg ku biiri doonaan shaqa ka fariisiga. Tallaabadaa ayaa saameeyn ku yeelan doonta ilaalinta ammaanka goobaha dayuuradduhu ka duulaan. Wixii intaa ka dambeeyana tartiib tartiib loo sii kordhin doono.

Jonas Milton, ahna agaasimaha Almega ayaa sheegay ka dhiidhiyay baaxadda saameeyn ee shaqa ka fariisiga, islamarkaana shaki ka muujiyay xeerarka haga shaqa ka fariisiga.

                                                   kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".