Magaalooyinka Sweden oo Usita Kobaca Qaaada Yourub

magaalaynta
6:16 min

Kobac xowli badan ayaa ku socda magaalooyinka dalkaan. Sweden waxay ka mid tahay wadamada EU ee ay magaaleynto ugo xawli badantahay, sidaas waxaa muujinaya hab xisaabeed tiro koob oo ey samaysa Eurostat oo ah laan u qaabilsan Eu statistikada.

Stockholm, Göteborg iyo Umeå oo ah magaalooyin jamacadeed ayaa ah magaalooyinka ugo kobaca badan marka loo barbardhigo magaalooyinka kale ee ku yaala EU. Arintaan ayaa loo aanaynayaa in ay salka ku hayso bulshadii ku dhisnayd warshadaha oo la tagay lana joogo xili bulshadu ku dhisantahay information iyo aqoon. Sidaas waxaa oranaya barafesor Lars Nilsson oo ku taqasusay arimaha magaalooyinka iyo deegaanada, waxna ka dhiga Stockholm University.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".