Dadyowga Deeymaha lagu Leeyahey oo Kor u sii Kacaya

Dawladda ayaa ku dhawaaqday inay baaritaan u saartay sidii wax looga qaban lahaa ama lagu dhimi lahaa dadyowga deeymaha lagu leeyhay.
Wasiirka macaamiisha Birgitta Ohlsson (FP) ayaa sheegtay in dadyow gaarsiisan 400 000 ey ka diiwaangashan yihiin hayadda khasab ku soo celinta deeymaha tahayna tiro aad u fara badan.

Wasiiradda ayaa sheegtay inay jiraan saameeyn ey isku leeyihiin deeymaha deeymaha iyo caafimaadka, iyadoona uu baaritaankani ka soo baaraan-degi doono sidii sawir buuxa looga heli lahaa, islamarkaana wax looga qaban lahaa khaasatan dhallaanka ku nool qooysas deeymo lagu leeyahay. Xilliga deeyrta ee sannadka 2013 ayaana la filayaa in la soo ban-dhigo baaritaanka, sida wasiiraddu sheegtay mar ay u warameeysay war-geeyska maalinlaha ee SvD.
Hayadda khasab ku soo xareeynta deeymaha (kronofogden) ayaa sheegtay in deeymahaasi ey dalka ugu kacaan dhaqaale gaarsiisan 30 – 50 milyaard ee koron sannadkii. Sannadkii tagay ayey caqabad ka haysatey bixinta deeymaha dhallaan tiradoodu gaarsiisan tahay 44 550, da’dooduna u dhaxeeyso 18 – 25 jir.

                                                          kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista