Telia Sonera. Foto: Fredrik Persson/Scanpix.

Maareeyaha Telia Sonera oo Hogaaminaya Liiska Musharaadka

Mareeyaha shirkada telefoonka ee Telia Sonera Lars Nyberg ayaa noqday mareeyahii sannadkii hore ugo mushaarka badanaa marka loo barbardhigo maareeyaasha tobanka shirkadood ee waaweeyn kana diiwaan gashan Stockholm Stock Exgenge.

 Nyberg sannadkii hore boqshadiisa mushaarka ku qornaa waxa uu dhamaa 13,3 malyoon oo kron, sidaas waxa qortay boga di.se, taas kor u dhafaysa boqolkii 18 marka loo barbardhigo 2010.

Mareeyaha labaad ee ku mushaar xiga waa maareeyaha dukaanka dharka H&M Karl-Johan Persson kaas oo helay mushaar dhan 11,8 malyoon oo kron. Mareeyaha shirkada mobiilada samaysa ee Ericsson, Hans Vestberg ayaa asna galay booska sadexaad oo uuna mushaarkiisa sannadkii hore ahaa 11,7 malyoon oo kron.

Mashaaraadkaan laga hadlayo ayaa ah kuwo ay joogtada u qaataan, waxaase intaas u siidheer gunooyinka kale ee ay helaan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".