Ceeymisdarrada Soomaalida u Socdaasha Dalkoodii Hooyo

Ceeymisdarrada Soomaalida u Socdaasha Dalkoodii Hooyo
6:32 min

Muddooyinkii ugu dambeeyey ayey aad kor ugu sii kacayeen muwaadiniinta iswiidhishka ee safarrada u aada dalka dibaddiisa. Iyadoona mararka qaarkood ayba dhacdo in uu ka jaban yahay safar loogu kicitimo Baariis caasimadda dalka Faransiiska halkii aad taksi ugu safri lahayd ”Arlanda” garoonka dayuuradaha ee magaalada Istockholm.
Sidoo kale waxaa la qiyaasi karaa inuu kor u kacay dadyowga dalkan ka ambabaxa una socdaala waddammo ey ka jiraan masiibooyin iyo dagaallo sokeeye, islamarkaana ay wasaaradda arrimmaha dibaddu ka digtay in loo socdaalo, maadaama ay adag tahay sidii gacan loogu fidin lahaa haddii wax-yeelooyin la soo gudboonaadaan, sida ay sheegtay Anna Backlund, kana howl-gasha laanta saxaafadda ee wasaaradda arrimmaha dibadda:

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".