Sawirle: Lasse Hejdenberg/Scanpix.

Dhimista Geerida lagu ka Dhalata Shilalka Gawaarida

In la dhimo lana gaarsiiyo tiro eber gaarsiisan ee dadyowga ku geeriyooda wax-yeelooyinka shilalka gawaarida ayaa meel wanaagsan maraya, iyadoona hayadda gaadiidku iminka ka doodeeyso sii adkeeynta sidii suurtagal u noqon lahayd in goolkaa la gaaro sannadka 2020.

In laga shaqeeyo howlo ey ka mid yihiin badbaadinta dadyowga aan gawaarida wadan, kuwa baaskiillada ku socda, in xoogga la saaro ka war-heynta xawliga gawaarida, in sidoo kale hoos loo dhigo xawligaa ayaa ka mid ah tallaabooyinka ay hayadda gaadiidku qabta in loo baahan yahay sidii loo adkeeyn lahaa si lagu gaaro goolka la tiigsanayo.

Illa iyo hadda ayay sheegtay heyadda gawaaridu in howluhu ku jaheeysan yihiin dhabbadii la doonayey iyo in la gaarsiiyo tiro ka yar 220 dadyowga shilalka waddooyinka ku geeriyooda ugu dambeeyn sannadka 2020, halka ay sannadkii tagay u geeriyoodeen shilal gawaari dad tiradoodu gaarsiisan yihiin 314.

Iminka ayay hayadduu indha-indheenaysaa sidii loo adkeeyn lahaa goolkaa, loona gaarsiin lahaa tiro ka hooseeysa 133 ruux.

                                                 kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".