Hogaamiyeyaasha xisbiyada talad ku midoobey. Sawirle: Claudio Bresciani / Scanpix

Kalsoonida Bulshadu Dawladda u Qabto oo sii Maqiireeysa

Waxaa hoos u dhacday kalsoonidii ey bulsha-weynta Iswiidhen u hayeen dawladda dalka maamusha, sida lagu xaqiijiyay tirakoob uu sameeyay machadka SOM ee jaamicadda Göteborg oo markii ugu horeeysay shaaciyay tirakoobkii guga ee weeydiimaha looga qaadey bulshada.

Su'aalo xilligii gugii bulshada wax la weeydiiyey ayey 39% ku sheegeen iney la dhacsan yihiin haowsha dawladdu qabato, halka sannad hortii ey tiradaasi gaarsiisneyd 59%.
Sidoo kale waxaa tirooyinkaa laga dheehan karaa in taageerada bulshada Iswiidhen u hayaan boqorka iyo aqalka boqortooyaduna hoos u sii dhacayso.

                                                         kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".