Ubax la dhigay goob ruux qudha looga jaray ee Malmö. Sawirle: Drago Prvulovic/Scanpix.

Ashtakeyn lagu Oogey Degmada Landskrona

Ururka daladda ee lagu magacaabo "Ha ilaawin Pela iyo Fadime" oo ay howshiisu tahay ka hor-tegidda dembiyada la xiriira sharaf-dhaca ayaa dacwad ku ashtakeeyay degmada Landskrona laanteeda howlaha bulshada. Ashtakeeyntaa ayaa la xiriirta habkii loo qaabiley ee wax looga qabtey xaaladdii eay ku sugneeyd gabadhii 19 jirka ahayd ee horraantii toddobaadkan qudha looga jarey aqal degmada ku yaala oo ay deggenayd. Ururka ayaa ka shakisan in hayadduhu xaqiiqdii la socdeen dhibaatada gabadhaasi ay qabtay oo urur kale ee taakuleeya hablaha caqabadaha la soo gudboonaadaan sheegay inay gabadhaasi ku sugnayd.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".