Mari Fona iyo bulshada kale ee tuulada Woreh Yeama oo fiirasnaya dhulkii ay qodaarta ku beeran jireen oo hada shirkada Addax Bioenergy ku beeratay qasab laga sameyn doono shidaalka etonolka. Foto: Anna-Klara Bankel/Sveriges Radio.

Deeqda Sweden oo loo adeegsado dhulqabsasho

Lacagta deeqda ah ee ay Sweden siiso wadanka afrika ku yaal ee Sierra Leone ayaa loo adeegsadaa soo saarida shidaalka etanolka kaas oo saameyn weeyn ku yeeshay dadka dalkaas ku nool.

Ururuka qaabilsan deeqda Sweden oo la yiraahdo Swedfund ayaa 90 milyan oo koron ku maageliyey shirkad layiraahdo Addax Bioenergy. Waxaana hada soo shaacbaxday in beeraleyda saboolka ah ay la soo gudboonaatay biyo la'aan iyo qaajo kadib markii shirkadaan ay la wareegtay dhulbeeredkii ay dadyowgaan beeranjireen.

Beeraley badan oo ku nool tuulooyin ku yaala meelaha ay shirkadaan ka howl gasho ayaa laanta warka ee Ekot ee ka baxda Radio Sweden uga sheekeeyey sida loogu qanciyey in ay ogolaadaan heshiisyo qoraal ah oo xaq u siinaya shirkadaan in ay la wareegi karto dhulkooda ayna adeegsan karto 50-sanno ee soo socda. Halka beeraleydaan kiro ahaan loo siinayo 3 dollar iyo boqolkii 20 sannadkii waxa ka soo xarooda dhulkooda.

Anders Craft oo ah maareeyaha ku meel gaarka ah ee Swedfund oo ka mid ah golaha maalmulka ee shirkada Addax Bioenergy, ayaa qiray in ay ka jirto dhibaatooyin baaxad leh Sierra Leone, lakiin waxa uu ku doodeyn in shirkada Addax Bioenergy ay qarash faro badan kaga baxdo sidii dhibkaas loo xalin lahaa.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".