Annelie Nordström Gudoomiyaha ururka Kommunal oo ka hadlaya shirsaxaafadeed ay uga waramayso heshiiska cusob. Foto: Claudio Bresciani/Scanpix. Montage: Sveriges Radio.

Dooda mushaarka dhallinyarada ee Ururada shaqaalaha iyo FP

Mushaarka dhallinyarada
3:58 min

Maalintii axadda 29 abriil ayey ahayd markii uu ururka shaqaalaha degmooyinku (kommunal) gaareen heshiis saameeyay 350 000 ruux ee xubnaha ururka. Heshiiskaas oo fursad u siinaya in ay degmooyinku ku shaqaaleeysiin karaan dhallinyarada dhaqaale u dhigma boqolkii 75 mushaarka howsha lagu bilaabo ee ugu hooseeya.

Sidoo kale ururka shaqaalaha ganacsiga (Handel) ayaa heshiis uu galay bishii april dhexdeeda lagu meelmariyey hirgelinta goobo tababarro shaqo oo qaas ah, looguna tala galay dhallinyarada ay da'dooda ka yartahay 20-sannadood.

Xisbiga Shacabka (Fp) ayaa soo dhoweeyay labada heshiis, halka uu horay u soo bandhigay talooyin ah in musharka dhalinyarada laga dhigo boqolkii 75.

Laakiin Daniel Swedin oo ah qoraa ka howl-gala war-geeyska Aftonbladet ayaa qaba in xisbiga Folkpartiet uu si ula kac ah u qaloocinayo nuxurka heshiiska.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".