Hey'adda socdaalka (Migrationsverket )

Muhaajiriinta oo ku soo badanaya Sweden

Muhaajiriinta imaandoonta dalkaan Sweden ayaa la filayaa in ay soo badato. Dadyowga qaxooti doonka ayaa sannadkaan la filayaa in ay kor uga kacaan 31 000 oo ayna garaan 34 000. Sidaas waxaa warbixin ku soo bandhigtay laanta socdaalka ee Migrationsverket.

Qaxooti doonyadaan ayaa lafilayaa in ay ka kala yimaadaan dalalka kala ah Somalia, Syria iyo Afghanistan, kuwaas oo sannadyadii ugu danbeeyey soo kordhayey.

Waxaa sidoo kale lafilayaa in ay soo bataan dadyowga u imaanaya eheladooda ku nool dalkaa Sweden iyo dadyowga shaqo doonka.

Soo badashada dadyowga u imaanaya eheladooda ayaa salka ku haysa ka din markii maxkamada sare ee socdaalka bishii Januari hoos u dhigtay sharuudahii aqoonsiga oo awel dadyowgaas lagu xiri jiray.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".