Sawirle: Viktor Mattsson/Sveriges Radio.
Caafimaadka

Xasaasiyada xagaaga

Xasaasiyada dhirta ee xagaaga ayaa la qiyaasaya in afartii qofba mid kamidi u dhibaato kala kulmo wakhtiyadan oo kale.

Sannadkan ayaa ah mid ay aad u sarayso cabirkiisu laga soo bilaabo sannadkii 2006, taaso keeni karta in ay dadyoow badan ka qasto nolol maalmeedka, sida uu sheegay gudoomiyaha ururka dadka qaba xanuunka Asmaatikarka ama alarjiga waxay somalidu u taqaan.

- Dhibkan ayaa leh calaamado kala duwan sida, indho cuncun, hindhiso, kuwaaso dhan oo keenaya daal iyo rafaad ayuu sheegay , gudoomiye Ingalill Bjöörn.

Cabirka qiyaastan saraysa ayaan horseedayn oo qudha hindhiso iyo duuf balse xanuuno kala duwan.

Maanta ayaa waxa la cabirayaa in ay haystaan tira u dhaxaysa 20-25 dalkan Sweden nooc ka mida xasaasiyadan.

Ta uga caansan ee dadku ka cawdaan ayaa ah tan la yidha ( pollen ) oo ka timaada caleenta dhirta, tusaale geedka loo yaqaan Björk.

Sido kale waxa jira in ay dad badani xasaasiyad sii noqonayaan marba marka ka danbeysa taaso u ku macneeyay parafasoor ka hawlgala Karolinska Institutet, kana shaqeeya qaybta caruurta xasaasiyadu hayso.

Parafasoorkan oo magaciisa la yidha Magnus Wickman ayaa sheegay in boqol sanno ka hor dadku u dhiman jireen xanuunada infagshanka, balse hadda waxa isbadalay difaacii jidhku iska caabin jiray xanuunada soo weerara, taaso sabab u ah in dad badani khatar u arkaan xasaasiga lana dagaalamaan.

Parafasoorkan ayaa ka wada in madaamo cimiladii wanaagsanaatay oo qaboobiihi yaraaday in ay kor u kacdo xasaasiyada sida caleenta geedaha.

- Haddii u roob badani iman lahaa oo qaboow ay ahaan lahayd cabirka xasaasiyadu hoos ayey u dhici lahayd.

Anton Dyrssen, SR Intranational

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".