Sawirle: Janerik Henriksson/Scanpix.

Ardayda: ''Igu salaan dhilada habaar qabta ah''

Wali ma ka fikirtay in aad maqashid kalmadaha sida dhilo ama khaniis, saameyn intee leeg ayey dhagahaaga ku samayn la haayeen, kalmadahaas ayaa hadaba ah akhristoow qaar caadi ka ah iskuulaadka dalkan Sweden siiba dugsiyada dhalaanka.

In gacanta lagu qabto naaskaaga ama badhidaada isla markaasna laguugu yeedho kalmado aad nacbaysanayso ayaa waayahan danbe ka mid noqday hadalada iyo weedhaha ay dhalaanka ardayda ahi is waydaarsadaan.

Daraasaad la sameeyay ayaa sheegaya in kalmadaha galmada ee cayda ahi iskuulada ka noqdeen wax caadiiya inkastoo mar mar arinkan aad looga hadlo lana soo bandhigo, balse muhiimad aan la siin.

Katja Gillander Gådin, waxay khabiir ka tahay jaamacada Mittuniversitet qaybta caafimaadka bulshada, waxayna baadhitaan ku samaysay aflagaadooyinka galmada la xidhiidha mudo gaadhaysa 15 sanno.

- Xuduudkii aflagaadadu wuu tirtirmay oo waxa wakhtigan la joogo caadi noqday aflagaadada bilaa xuduudka ah markay noqoto dhanka ardayda iyo shaqaalaha iskuulaadkaba, ayey sheegtay Katja.

Katja ayaa dhawaan ku soo bandhigi doonta qoraal arinkan ku saabsan wargeyska ( Journal of Interpersonal Violence ).

Kalmadahan foosha xun ee dhalintu isticmaasho ayaa noqday waayahan danbe qaar u gudbay dhalaanka aadka u da'da yar haday noqoto gabdho ama wiilal, Katja ayaa sheegtay in caruurta jira 7 sanno ay ku adagtay markay waalidkooda u sheegaan dhibaatada jirta, raacisayna in ay waalidku dhan iskaga riixaan oo aanay u qaadan wax muhiima, sidaasi waxay ku caday waraysiyo ay ka qaaday qaar ka mida dhalaanka dhigta dugsiyada hoose/dhexe.

Tusaale ahaan gabadh yar ayaa ka sheekaynaysa sida wiil dhigta galaaska shanaad oo sharaf ku dhex leh iskuulka u fariin ugu dhaafay wiil kale saaxibaadiisii hore: " Igu salaan dhilada habaarqabka ah."

Gabadh dhigata galaaska saddexaad ee dugsiga hoose (10 jir) ayaa ka sheekaynaysa sidii gabadh ay saaxiib yihiin oo iyaduna dhigata galaaska saddexaad (10jir) ay wiilal yar yar oo kooxa oo dhigta galaaska koowaad iyo ka saddexaad (7Jiro / 10 Jiro ) ay gabadha yar ugu qasbeen in ay surwaalka ka siibaan.

Gabadh kale oo dhigata galaaska shanaad ayaa iyaduna ka sheekaynaysa wiil ay isku lod yihiin (10 jir) in uu naaska buquujiyey marar badan.

Qaar ka mida dhalaankan ayaa cabsi ku timid darteed rabin in ay iskuulka ku laabtaan. Dhacdooyinkan ayaa badana waalidku dhayalsadaa badanaana caruurta maqashiiyaan: ''Wiilashu jacayl uunbay idiin hayaan''.

Daraasaadka Katja ayaa xaqiijinaya in badana wiilaasha falalakan ku kacaa ay ixtiraam iyo raganimo ka helaan jawiga ku xeeraan, halka gabdhaha yar yar iyo wiilasha dhibkan lagula kacaa ay dareemaayaan in ay meel hoose kaga jiraan nidaamka ku xeeraan.

Darasaadkan ayey Katja ku samaysay 2000 oo arday oo dhigta dugsiga dhexe ee degmada Östersunds ee ku taal waqooyiga dalkan Sweden.

 Waxa kale oo laxaad ka qaata cayda iyo dhibaatada aalada hawada ee (internetka).

- Caydii baryihii hore gidaarada laysugu qori jiray waxa hadda loo badalay in laysu mariyo aalada internetka, taaso dhaawac weyn ku keeni karta caruur badan, ayey sheegtay Katja Gillander Gådin.

Sawirkan ayaa waxa xaqiijinaya laba gabdhood oo dhigta dugsiga sare oo lagu magacaabo Hamid Pourassad iyo Matilda Hellström.

Labadan gabdhood ayaa ku jira golaha guddida ardayda ( Svea) kana shaqeeya sidii loo joojin lahaa dhibaatada soo gaadha ardayda hoos loo riixo.

- Kalmadaha la isticmaalo waxaa ka mida dhiladii uraysay iyo siilkaaga, kalmadahaas oo noqday qaar caadi ka ah iskuulada. Mar mar waxaad dareemaysaa in u iskuulku ka baxsanyahay bulshada inteeda kale, ayey raacisay Matilda Hellström.

Kalmadaha galmada ee laysku caaya door wayn ayey ka qaadataa caafimaad darada ku timaada dhalaanka, waayo dhalaanka kalmadahan lagu dhibaateeya waxay sababi kartaa in ay caruurtu naftooda dhaawac u gaystaan ama buufis ku dhaco wakhti hore.

Katja Gillander Gådin, ayaa hadalkeeda ku soo gabagabaysay muhiimada ay waalidka u leedahay in ay ogaadaan nidaamada noocan ah ee ka jira iskuulaadka.

Kasim.abdulkadir@sr.se

Isha: DN

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".