Bartamaha Afrika

Nin Swiidhish ah oo ku xabisan bartamaha Afrika

Nin u dhashay dalkan Sweden ayaa ku xabisan mudo dhawr isbuuc ah bartamaha Afrika, ninkaaso oo lagu tuhunsanyey dil.

Ninkan ayaa jira 25 sanno, waxaana la qabtay dhamaadkii bishii Maarso kadib markii laga helay 13 qof oo mayd ah nawaaxiga meel Safaari ah oo ninkan la tuhunsanyey maamulayey.

Shaqaalaha wasaarrada arrimaha dibada ayaa arrinkan si taako taako ah ula socota.

- Wuu nabad qabaa waana fiicantay xaaladiisu kadib wax kasta oo dhacay, ayey sheegeen shaqaalaha safaarada Sweden ee Kinshasha oo daris la ah dalka Kongo.

Sidaas waxa xaqiijisay Camilla Åkesson Lindblom oo ka hawl gasha wasaaradda arrimaha dibada mar ay la hadlaysay wakaalada wararka ee TT.

Hayada u dooda xuquuqda bina aadmiga ee Human rights watch, ayaa tuhunsan in dilalka goobtaas ka dhacay u ka dambeeyay madaxa jabhada (LRA) ee lagu magacaabo Joseph Konys

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".