Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Miisaaniyadda Ammaanka Arrimmaha Dibadda oo Korortay

La daabacay onsdag 9 maj 2012 kl 15.33
Carl Bildt oo ku sugan Mazar-i-Sharif. Sawirle: Jonas Ekströmer/Scanpix.

Miisaaniyadda ku baxda howlwadeennada wasaaradda arrimaha dibadda iyo hayadda kaalmada ee SIDA ee ka howl-gala dalalka Afgaanistaan, ciraaq iyo Bakistaan ayaa saddex jibaaramay muddo laba sannadood gudahood ah. Si loo ilaaliyo howl-wadeennada dalkan uga howl-gala waddammada ammaandarradu ka jiraan ayuu dalkani adeegsadaa shirkadda ammaanka ee Vesper Group.

Iyadoona dhaqaalaha shirkadda ku baxa ay gaartay 17 malyuun oo koron sannadkii 2011, halkii ey hore uga ahayd 6,5 malyuun sannadkii 2009.

Svante Liljegren, madaxa laanta amaanka ee wasaaradda arrimmaha dibadda ayaa sheegay in miisaaniyadda sidaa kor ugu kacday ay ugu wacan tahay iyada oo is-bedel ku yimid xaaladdii ammaan ee hawl-wadeennada, tusaale ahaan xarumaha ay ka howl-galaan hoowl-wadeennada ee magaalada Mazar-i-Sharif i ee dalka Afgaanistaan.

Isha: TT

                                                 kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".