Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Caafimaadka

Goobo caafimaad oo la xidhayo

La daabacay onsdag 9 maj 2012 kl 15.51
Sawirle: Janerik Henriksson/Scanpix.

Sannadka fooda inagu soo haya ayaa meelo badan oo kamida goobaha laga iibsado daawooyinka (Apotek) la xidhayaa sababtoo ah....

Goobahan la rabo in la xidho ayaa ku yaal degmooyinka baadiyaha dalkan Sweden, sababta ayaa la sheegay in ay tahay dhaqaale daro awgeed.

Arinkan ayaa waxa xaqiijiyey shirkada iska leh xarumahan la gato daawooyinka, Kronans dorghandel.

kadib markii la ansixiyey in goobaha daawooyinka lagu gado laga furo meelo badan ayaa loo haystay in ay si wacan u shaqayn doonto, balse waxa hadda la ogaaday in ay jirto dhaqaale daro la soo gudboonaatay shirkada.

Sida ku cad xeerka dawlada ayaa shirkadani ku qasbantay in aanay xidhi karin goobahaas ilaayo bisha Maarso ee sannadka fooda inagu soo haya.

Shirkadan ayaa gaadhi karta go'aan ah in ay samayso sidii ay rabto oo ah in ay iibiso, xidho ama sii wado.

Shirkadan iska leh goobahan dhaqaale xumidu ku dhacay, Apoteket Kronans droghande, ayaa baadiyaha dalkan Sweden ku leh xarumo badan.

Andreas Rosenlund, oo ah afhayeenka shirkadan ayaa u sheegay laanta wararka ee Ekot in ay xidhayaan goobahooda caafimaad ee ku yaal degmooyinka yaryar sannadka dambe.

- Dhaqaale xumo ayaa jirta, way adagtay in shaqaale loo helo xaruumahan, taaso macneeheedu tahay in aanay jirin sabab ay u furnaadaan xarumahani, ayuu sheegay Andreas Rosenlund.

Dhanka dawlada ayaa waxa u hadlay gudoomiyaha baarlamanka fadhiya qaybtiisa bulshada, oo sheegay in ay hadda fiirinayaan xalkii laga yeeli lahaa arinkan, raaciyeyna in ay macquul noqon doonto in lagu wareejiyo dukaamada cuntada, kuwaaso u noqon doona wakiil shirkadan daawooyinka.

Kasim.abdulkadir@sr.se

Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".