Caafimaadka

H&M oo la dhaleeceeyay

Maxadka cancerfonden ayaa aad u dhaleeceeyay shirkada maryaha ee H&M xayeysiiskoodii ugu dambeeyay oo ay ka muuqato gabadh aad ay cadceedu midabkeeda u badashay.

Xayeeysiiskii ugu dambeeyay ee shirkada weyn ee dharka ee H&M ayaa soo bandhigtay maalmihii ugu dambeeyey xayeysiis ay gabadh aad midabkeeda cadceedu u badashay ay xayeeysiinayso maryaha lagu cadceedsado.

kansarka ku dhaca jidhka ayaa ah nooca kansarka ee aadka u kordhaya baryahan dambe. Sannad kasta waxa dalkan Sweden u dhinta cudurkan kansarka ee jidhka ku dhaca in kabada inta ku dhimata trafikada.

Maxadakan lagu magacaabo Cancerfonden oo shaqadiisu tahay ka hortaga cudurada kansarka ayaa maqal ay ku dhaleeceynayaan shirkadan weyn ee maryaha samaysa ku daabacay maanta wargeyska Dagens nyheter ee maalin laha ah.

Dn

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".